Saaka oo Axad ah waxa uu dagaal dhexmaray ciidamada Dawlada Somaliya iyo waliba kuwa Al-Shabaab xaafada Baar ujeed oo u dhaxeeya Guriceel iyo Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dagaalyahannada deegaanka oo fariisimo ku lahaa deegaankaasi.
Arintan ayaa imanaysa xilli ay sii xoogaysanayaan dagaalada Dawladu kula jirto Al-Shabaab bilihii ugu dambeeyay.