Dagaalyahanada Xamaas Oo Ugu Dambayn Shaaciyay Tirada Yuhuuda Ay Ku Qabteen Dagaalkii Ay Ku Qaadeen Israel

Afhayeen u hadlay garabka militariga ee Xamaas ayaa sheegay in ay jiraan “ilaa 200 ilaa 250” maxaabiis Israa’iili ah oo lagu hayo magaalada Qaza.

wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in Xamas ay gacanta ku hayso maxaabiis aad u badan oo ay ku soo qabteen dagaalkii ay todobaadkii hore ku qaadeen yuhuuda.

Xamas ayaa muuqaal la duubay ku sheegtay in ay hayaan “ilaa 200” lahaysteyaal, inta soo hartayna ay gacanta ku hayaan “kooxo kale oo hubaysan.”

Arintan ayaa imanaysa xilli haatan laga joogo Muddo markii Xamas ay dagaal aan horay loo arkin ku qaaday Goobaha ay yuhuudu xooga ku haystaan.

 

so_SOSO