Dalka Colombia ayaa ku biirtay xaalada dagaal ee ka socda bariga dhexe gaar ahaan dalka Falastiin ee ay yuhuudu xooga ku haysato.
Dalka Colombia ayaa eriday safiirkii Israa’iil waxayna u sheegtay safiirka inuu “raaligelin bixiyo oo uu dalka ka baxo”.
“Haddii ay noqoto inaan joojino xiriirka dibadda ee aan la leenahay Israa’iil, waan joojin doonnaa iyaga. Ma taageerno xasuuqa”ayuu yidhi madaxweynaha dalka Colombia.
Dagaalka iyo duqaynta ay yuhuudu ku waddo magaalada Qaza ayaa gashay maalinti 10-aad oo xidhiidh ah iyada oo ay ku dhinteen dad aad u badan oo u badan caruur iyo dumar.
Colombia ayaa noqday dalkii ugu horeeyay ee adduunka qaata Talaabo noocaas oo kale ah xilli ay jiraan dalal badan oo kaliya afka kaga hadlay xaalada cakiran ee Qaza.