Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed rasmi ah kasoo saartay aqoonsiga rasmiga ah ee SSC-Khaatumo.
DFS ayaa sheegtay inay aqoonsan tahay war-murtiyeedkii 6-dii bishan ka soo baxay Isimada iyo Golaha Guurtida SSC-Khaatumo, kaasoo ahaa in deegaanada ay ka taliyaan aysan hoos tagin maamulada Puntland iyo Somaliland, balse ay si toos ah u hoos tagaan Dowladda Federaalka.
Mawqifka dawladda Faderaalku waa aqoonsiga maamulka ku meel gaadhka ah, kaas oo faa’iido weyn u leh shacabka SSC, isla markaana meesha ka saaraysa wax kasta oo la sheegan karo inuu yahay dhul lagu muransan yahay.