Israa’iil oo faarujisay safaaradaheedii Masar, Jordan, Morocco, Bahrain, iyo Turkey, warbaahinta Israa’iil ayaa ku warantay ka dib markii loogu baaqay “maalin cadho” guud ahaan gobolka Bariga Dhexe
Arintan ayaa imanaysa kadib markii Israa’iil ay Duqaysay Cusbitaalka ugu weyn magaalada Qaza ee Al-Ahli Arab Hospital halkaas oo ay ku dhinteen wax ka badan 500 oo qof oo rayid ah.
Israa’iil ayaa wali duqayn aan loo aabo yeelin ku wada magaalada Qaza iyada oo waliba magaalada ka jartay biyaha iyo laydhka.
Israa’iil ayaa muwaadiniinteeda ku sugan dalalak carabta iyo musalimka ah ku amartay in ay isaga soo baxaan sabab la xidhiidha cabsi ay u qabaan naftooda.