Dawlada Kenya ayaa xaqiijisay in ay Somaliland u aqoonsantahay kaliya maamul goboleed ka tirsan dawlada Somaliya xilli ay beenisay madax-banaanida Somaliland.
Arintan ayaa imanaysa kadib markii madaxweynaha Kenya uu Somaliland u soo magacaabay qunsul lagu magacaabo Abdiwali taas oo ka xanaajisay jamhuuriyada Somaliland.
Warbixin ay Kenya soo saartay iyaga oo maraya Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta Kenya ayay kaga hadashay in ayna Somaliland u aqoonsanayn dal madax-banaan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta Kenya oo Bogaadin u soo jeedisay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi iyo Tixraaca Dib-u-habaynta Dowladda Jamhuuriyadda Kenya ee 4-tii October 2023 ay C/wali Muhamed Hussien u soo magacawday Hargiesa. Somaliland waxa ay sharaf u tahay in ay ku wargeliso in mawqifka mr Cabdiwali uu yahay Qunsulka Guud.
Wasaaraddu waxay doonaysaa inay dib u xaqiijiso in dawladda Kenya ay aqoonsantahay in ay jirto dawlada federaalka Smaliya isla markaas ay Somaliland u aqoonsantahay maamul goboleed ka tirsan jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta ee Jamhuuriyadda Kenya waxay fursaddan uga faa’iidaysanaysaa inay dib ugu cusboonaysiiso safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi dammaanad qaadka tixgelinteeda ugu sarreysa.