DEG-DEG: Madaxweynaha Somaliland Oo Digreeto Madaxtooyo Ku Aqbalay Xaalkii Ay Beelaha Burco Ka Soo Saareen Khilaafka Doorashooyinka Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ka soo saaray Soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka .

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ku: Shir-guddoonka Golaha Guurtida JSL

Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada JSL

Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Ujeeddo: Soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka

Mudaneyaal,

Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka.

Sidaa darteed, si doorashooyinku inoogu hir-galaan waxaannu ka codsanaynaa Golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) in ay waafajiyaan soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka Shuruucda iyo Xeerarka Doorashooyinka ee Dalka.

so_SOSO