DEG-DEG: Midowga Yurub Oo Go’aan Ka Soo Saaray Heshiiskii Dhexmaray Somaliland Iyo Itoobiya.

Midowga Yurub ayaa si adag uga soo hor jeestay heshiiskii dhex maray dalalka Itoobiya iyo Soomaaliland iyaga oo waddanka Itoobiya ugu baaqay in ay ixtiraamto madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo weliba xeerarka Caalamiga ah.

Arintan ayaa imanaysa kadib markii ay Somaliland iyo Itoobiya kala saxiixdeen heshiis ay Itoobiya ku helayso bad u taala Bada Cas.

Itoobiya ayaa raadinaysay bad ay yeelato muddo 30 sano ah waxana uu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya wacad ku maray in uu bad u soo xero galin doono Itoobiya xoog ama xeelad.

Itoobiya ayaa 48 saac ee la soo dhaafay heshiis is af garad ah la gaadhay Somaliland iyaga oo ka saxiixday heshiis ay ku helayaan bad.

Laakiin Midowga Yurub ayaa u muuqda kuwo ka soo hor jeeda qorshaha Itoobiya iyaga oo ugu baaqay in ay Ixtiraamto madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo weliba xeerarka Caalamiga ah.

so_SOSO