Soomaaliya ayaa diiday codsi uga yimid Itoobiya oo ku aadanaa in ay wada hadal la gasho, si ay u hesho dekedda Badda Cas, sida laga soo xigtay Shabakada Business.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in dalkiisa uu leeyahay “xuquuqda dabiiciga ah” in uu si toos ah u galo badda cas, haddii taas la diidona cadaalad daro in ay tahay isla markaas uu dalkiisu u dagaalami doono xaqiisa.
Abiy Ahmed waxa uu soo jeediyay in dawladiisu ay saami ku siin karto biyo xidheenkeeda dalalka dariska la ah si ay iyaguna u isticmaalaan Dekadaha dariska.
Si kasta ha ahaatee Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda AliOmar ayaa sheegay in iyadoo dalka ay ka go’an tahay horumarinta nabadda, amniga, ganacsiga iyo isdhexgalka, haddana ayna diyaar u ahayn in ay cid kale la wadaagto Hantijada dalkooda.