DEG-DEG: Wasaarada Arimaha Itoobiya Oo Ka Hadashay Aqoonsiga Ay Itoobiya Aqoonsanayso Somaliland

Wasiirka arrimaha dibadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Misganu Arga ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Itoobiya ay aqbali doonto warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda Itoobiya ee lagu sheegay in ay heshiis ku gaareen in Itoobiya ay aqoonsato Somailand una aqoonsadaan madax banaan.

Dhambaalkan uu gudbiyay Ambassador Misganu ayaa ah ra’yigii ugu horeeyay ee ay dawladda Itoobiya ka bixiso in Itoobiya ay aqoonsi siinayso Somaliland si ay u hesho marin badeed.

Maalintii isniintii oo ku beegnayd 23 December ayay Itoobiya ku dhawaaqday in ay Somaliland la gashay heshiis u sahlaya in ay hesho Bad.

Maalintaas waxaa labada dowladood ku dhawaaqay in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ay kala saxiixdeen heshiis is afgarad ah oo arrintan ku saabsan.

Saxiixa heshiiska ka dib, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha, Danjire Redwan Hussain, oo hadal siiyay warbaahinta ayaa sheegay in sida ku cad heshiiska is afgaradka ah, Itoobiya ay heli doonto heshiis kiro ah oo 50 sano ah oo dhanka xeebaha ah.

Geesta kale, Itoobiya waxay Somaliland siin doontaa saamiga Ethio Telecom ama Ethiopian Airlines, ayuu yidhi Redwan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay heshiiskaasi ayaa tilmaamay in dalkiisu uu faa’iido dheeraad ah ka heli doono Itoobiya oo ku saabsan xeebta ballaca 20 KM ee ay ka kiraysan doonto.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku yidhi; Itoobiya ayaa noqonaysa dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo si rasmi ah u aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland.

Somaliland oo ku dhowaaqday inay ka go’day Soomaaliya muddo haatan laga joogo 23 sano, ayaan weli dal, qaarad iyo hay’ado caalami ah midna u aqoonsan.

Heshiiskii shalay ka dib, war-murtiyeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo xalay ka soo baxay, ayaa sidoo kale lagaga hadlay qaddiyadda aqoonsiga.

so_SOSO