Golaha Wakiilada Somaliland Oo Gudoomiye Cusub Doortay

Xildibaan Yaasiin Maxamed Xiir Faratoon ayaa loo doortay Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland kadib doorasho ka dhacday Golaha wakiilada.

Xildhibaan Faratoon ayaa loo doortay Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland isaga oo xilka ka badalay Cabdirisaaq khaliif oo is casilay.

Xidhibaan faratoon ayaa helay 46 cod oo ka mid ah xidhibaanada Golaha wakiilada oo u codeeyay in uu noqdo Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland.

Xildhibaankii la tartamayay Gudoomiyaha Maxamed Khadar ayaa helay cod dhan 35 waxana uu ku fashilmay in uu ku guulaysto Gudomoomiyaha golaha wakiilada Somaliland.

so_SOSO