Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Hadlay Xaqiiqada In La Daabacayo Lacag Cusub.

Golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in aan la hor keenin wax lacag cusub ah oo ay xukuumadu daabacayso.

Arintan ayaa imanaysa xilli baraha bulshada la isla dhexmarayo in ay Xukuumada Somaliland daabacayso lacag cusub oo 10 kun oo Shilling-ka somaliland ah.

Si kasta ha ahaatee warbixin ay soo saareen golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in aaanay jirin wax lacag cusub ah oo la hor keenay Golaha wakiilada Si ay u Ansixiyaan.

Image

so_SOSO