Madaxweynaha Somaliya Oo Booqday Jiida Hore Ee Dagaalka Lagula Jiro Al-Shabaab.

Madaxweynaha Somaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa booqday jiida hore ee ciidamada la dagaalamaya Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa gaadhay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan si uu u dar-dar galiyo la dagaalanka Al-Shabaa.

Hassan Sheikh Mohamud ayaa bogiisa Facebook ku soo qoray fariin uu ku xaqiijinayay imaanshihiisa Degmada maxaas.

Qoraalka madaxweynaha ayaa u qornaa sidan:

“Waxa aan maanta soo gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo aan u imid dardar galinta howgalada ciribtirka Khawaarijta.

Waxaan ku soconnaa deegaanno Khawaarijtu ku ukumeystay, waqti dheerna ku dhibaateynaysay shacabka Soomaaliyeed.

Aragagixisada Khawaarijta ah goobo badan oo dalka ka mid ah waa ku jabeen, degaanno badanna waa laga xoreeyay, waxaana cadaatay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal u huri kara naftooda xoriyadadooda iyo mustaqbalka caruurtooda, ilaalinta qaranimadooda, iyo difaaca karaamadooda.

Dhamaan qeybaha kala duwan ee dadka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin bulshada rayidka, haweenka iyo dhalinyarada waxaan ugu baaqayaa in qof kasta uu dowr muuqda ku yeesho inaan dalkeena ka xoreyno Khawaarijta. Waxaa bilaabanaya taariikhda dib u curashada Soomaaliya, qof kastana waa inuu u diyaar garoobo baalkii uu ku yeelan lahaa taariikhda cusub ee qormeysa”

so_SOSO