Madaxweynaha Somaliya Oo U Safraya Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed, Sabab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu u ambabaxo deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed si uu u qaado duulaan ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Booqashadan ayaa ka dambeysay kadib markii muddo labo bilood ah ay howlo shaqo oo la mid ah ay ku joogeen magaalada Dhuusamareeb ee dowlad goboleedka Galmudug, waxaana la kulmay dib u dhacyo waaweyn, taasoo keentay in boqolaal askari oo Soomaali ah ay ku waayaan iyo agab ciidan oo badan oo ay Al-Shabaab kala wareegeen XDS.

Safarkan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli xiisado siyaasadeed ay gobolka ka taagan tahay xubno ka tirsan mucaaradka dowladda oo xiriir dhow la leh Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo abaabulaya qorshayaal ay ku doonayaan inay ku abaabulaan jabhad hubeysan oo ka dhan ah madaxweynaha maamulkaasi, C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Ujeedada ka danbeysa talaabadan ayaa u muuqata mid la doonayo in lagu afgambiyo hogaamiyaha gobolka, taasoo dajinaysa kacdoono siyaasadeed.

so_SOSO