Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Saxiixay Mooshin Ay Keneen Baarlamaanka Somaliya Oo Burinaya Heshiiska Somaliland Iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh ayaa si Rasmi ah u saxiixay meesha ay labada aqal ee baarlamaanka Somaliya ka keeneen heshiiskii dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya.

Mooshinkan ayaa ah mid burinaya heshiiska is af garadka ah ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya kaas oo laga dhigay sharci Rasmi ah.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa todobaadkan saxiixay heshiis is afgarad ah oo ay Somaliland ku helayso aqoonsi halka ay Itoobiya ku helayso bad.

Si kasta ha ahaatee mooshinka ay keeneen labada aqal baarlamaan ayaa burinaya heshiiska dhexmaray Somaliland iyo itoobiya.

Ma ahan markii ugu horaysay ee ay labada gole baarlamaan ee Somaliya ay mooshin ka keenaan Somaliland iyaga oo si la mid ah midkan horay sharci uga dhigay mooshin burinaya heshiiskii dhexmaray Somaliland iyo DP World.

so_SOSO