Madaxweynihii hore ee Farmaajo oo bartiisa Facebook-ga soo dhigay digniin culus oo uu kaga hadlayo isbedellada ku imaan kara hannaanka doorashada Soomaaliya.
Wuxuu ka digayaa in wax laga beddelo qaabka dowladda, habraaca baarlamaanka, iyo hannaanka xisbiyada badan.
“Wax kasta oo leexasho ah oo aan si sax ah loo samayn waxay halis ugu jirtaa inay qaranka dib ugu celiso xasillooni darro,” ayuu qoray.
Farmaajo ayaa ku nuux-nuux saday in ka guurista nidaamka Baarlamaanka iyo joojinta shaqada Ra’iisul Wasaaraha ay ka badan tahay awoodaha dowladeed, isla markaana ay halis u tahay masiirka qaranka.
Baarlamaanka Federaalka waxa saaran ‘waajib qaran iyo mid taariikhi ah’ in uu ka digtoonaado ansixinta isbeddelka keeni kara kalsooni-darro bulsho iyo jahawareer siyaasadeed.
Farmaajo waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqayaa muhiimadda ay leedahay in lagu daro codka Dowlad Goboleedka Puntland, oo ka maqan Madasha Wadatashiga Qaran, isagoo sheegay in aysan ka maarmin dhismaha dowladnimada Soomaaliya.
Wuxuu xaqiijinayaa in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay doortaan madaxdooda si xor ah, xalaal ah, oo daah-furan.