Magaalada Hargiesa Oo Lagu Qabtay Taageero Weyn Oo Loo Muujiyay Ciidamada Somaliland Kadib Dhibaatadii Goojacadde.

Magaalada Hargiesa ayaa lagu qabtay dibad baxyo aad u balaadhan oo lagu taageerayo ciidamada Somaliland.

Dibad-baxyadan oo ay isugu so bexeen bulshada nooceeda kala duwan ayaa lagu qabtay garoonka weyn ee magaalada Hargiesa.

Arintan ayaa imanayasa kadib markii ciidamada Somaliland ka bexeen saldhiga goojacadde ee gobolka Sool isla markaas la qabtay qaar ka mid ah ciidamada Somaliland

Shacabka Somaliland ayaa taageero weyn u muujiyay ciidamada qaranka kuna garab istaagay in ay dib ula soo wareegaan dhulkii ay ka soo guureen.

so_SOSO