Maydka Wiil Dhalinyaro Ah Oo La Helay Kadib 48 Saac Oo La Raadinayay.

Waxa ugu dambayn la helay maydka wiil dhalinyaro ah oo ku dhacay balay ama ceel ku yaala degmada Fara-weyne ee gobolka maroodi-jeex.

Waxa maanta duhurnimadii ugu dambayn lagu guulaystay in maydka la soo saaro kadib 48 saac oo la raadinayay.

Wiilka maydkiisa la soo saaray ayaa lagu magacaabaa Liibaan Mustafte waxa jira gurmadyo badan oo isaga yimid Gobolada kuwaas oo ku dadaalayay in ay soo raadiyaan maydka.

so_SOSO