Midowga Afrika, iyo Jaamacadda Carabta ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ugu baaqayaan in si degdeg ah loo joojiyo colaadda Gaza.
Midowga Afrika, iyo Jaamacadda Carabta ayaa walaac xooggan ka muujiyay amarka Israel ee ah in ka badan hal milyan oo falastiiniyiin ah inay ka baxaan guryahooda.
10 maalin ayay Yuhuudu dagaalo iyo duqaymo ku wadaa Magaalada Qaza iyada oo xaaladu marayso meel aad u xun.
Yuhuuda ayaa sidoo kale magaalada Qaza ka jartay biyaha iyo waliba Laydhka sidoo kale ku qabatay cuna qabatayn aan loo aabo yeelin.