Muranka Doorashooyinka Somaliland Oo U Muuqda Mid Xal Laga Gaadhayo.

Gudi is xil-qaantay oo ka soo jeeda beelaha Gobolada Barriga Somaliland ayaa soo saartay go’aano ku saabsan doorashooyinka Somaliland.

Gudida oo heshay kalsoonida dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland ayaa muddo ku jirtay Xal raadinta.

Gudida ayaa shalay soo saartay go’aano ku saabsan doorashooyinka Somaliland.

Go’aanka doorashooyinka Somaliland ee ay Gudidu soo saartay ayaa ka mid ahayd in doorashooyinka Madaxweynaha iyo Ururada la is dul dhigo.

Xisbiyada Mucaaridka ee Waddani iyo UCID ayaa durba shaaciyay in ay ku qanceen oo ay aqbaleen go’aanada Gudida.

Wali madaxweynaha Somaliland ayaan wax war ah ka soo saarin go’aanada Gudida.

so_SOSO