Qaybaha Shirkada McDonald Ee Bariga Dhexe Oo Khilaaf So Dhex Galay Dagaalka Gaza Ka Socda Awgeed

Iskahorimaadka socda ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas aya sababay in qaybaha shirkada McDonald’s ee Bariga Dhexe khilaaf way so kala dhex galo. Go’aanka McDonald’s  uu ku bixiyay in cunno bilaash ah uu siiyo milatariga Israa’iil ayaa waxa ka dhashay diidmo kaga timid dhiggiisa dalalka Muslimka ah. Qaybaha shirkada eek u yaala wadamada Sacuudiga, Cumaan, Kuwait, Imaaraadka Carabta, Urdun, Masar, Baxreyn iyo Turkiga ayaa iska fogeeyay go’aankan, waxayna si wada jir ah u ballan qaadeen in ka badan 3 milyan oo dollar oo lagu taageerayo Falastiiniyiinta ku sugan Gaza ee duqeynta lagu hayo.

Muranka ayaa horseeday falcelin weyn oo dhanka baraha bulshada ah oo ka dhan ah McDonald’s Israel, iyada oo shirkadu ay u beddeshay akoonkeeda Instagram-ka “mid gaar ah”. Xaaladdani waxay muujinaysaa dhaqdhaqaaqyada cakiran iyada shirkada caalamiga ahi ay tahay inay ki taxadaran iyada oo badana laga sugayo inay meel ka istagaan xaladaha noocan oo kale ah.

Waxaa xusid mudan in McDonald’s uusan ahayn shirkadi ugu horreysay ee caalami ah ee ku lug yeelata murannada la xiriira iskahorimaadka Israel iyo Falastiin.

 

so_SOSO