Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kula dardaarmay aqoonyahannada Soomaaliyeed in ay hormuud ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaabka ah ee khatarta ku ah Diinta iyo jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay sanad guuradii labaad ee ka soo wareegatay markii uu geeriyooday Sheekh C/qaadir Jeylaani oo ahaa caalim caan ah oo ku dadaalay fidinta iyo difaaca diinta Islaamka ayaa ku ammaanay doorkii muhiimka ahaa ee Sheekha uu ka qaatay barida iyo difaaca diinta Islaamka.
Waxa uu sheegay Sheekh Jeylaani in uu tusaale u ahaa Caalim dhab ah oo naftiisa u huray Alle dartii iyo dadkiisa.
“Markii uu dalku khatar ku jiray, kuwii hubka qaatay waxay ahaayeen aqoonyahanno Soomaaliyeed oo shacabka u horseeday difaaca dalkooda, maanta dadkeenna iyo diinteenna waxaa soo weeraray Khawaarij, culimaduna waa inay kaalintooda ka qaataan dagaalka lagula jiro Khawaarijta,” ayuu yiri. ayuu yidhi.
Wuxuu intaas ku daray in dowladdu ay ka go’an tahay in ay garab istaagto hay’adaha diinta iyo culumaa’udiinka dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga fikirka qalafsan ee kooxaha Khawaarijta ah.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay guddoomiye ku xigeenka golaha shacabka iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, culumaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.