Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre Ayaa xariga ka jaray Machadka Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre Ayaa xariga ka jaray Machadka Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka?

May be an image of ‎1 person, dais and ‎text that says '‎EE DACWADA HO DARAASAADKA IS لله العالي افتتا حفل နO SOOMAALIVA RADDA A & RIMAHA D‎'‎‎
Mudane Xamsa Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xarigga ka jaray Machadka Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka, ayaa sheegay machadkani looga fadhiyo in uu soo saaro aqoonyahan diimeed oo bulshada ku haga jidka saxda ah ee ay shareecadu ina fareyso.
May be an image of 7 people and dais
Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in aqoonyahanka ka howlgalaya machadkani ay ku yimaadeen tartan furan, taas oo ka tarjumeysa sida ay Xukuumadda DanQaran mudnaanta u siineyso daah-furnaan iyo in aqoon lagu tartamo.
May be an image of 2 people, crowd and text
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xaruntani loo aas-aasay kobcinta diinta Islaamka iyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan aqoonyahan faham buuxa u leh axkaamta kala duwan ee shareecada Islaamka.
May be an image of 8 people, dais and text
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, hirgelinta Machadka Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka, isaga oo faray in xaruntani ay noqoto mid tayo leh oo u dhammeystiran yihiin dhammaan adeegyadii ay ku shaqeyn lahayd.
May be an image of 2 people, dais and text
May be an image of 9 people and dais
May be an image of studying, crowd and dais
May be an image of ‎2 people, dais and ‎text that says '‎FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA DA FURITAANKA MACHADKA SAR EE DACWADA الاسلامية والدراسات عوة العالي ARAASAADKA ISLAAMKA افتتا حفل KAANA ISKA KAASHANAYA WAS/ DA AL JAAMACADDA RIMAHA DIINTA A SOOM YO, 2024 دهد_هدان_هدیو_ه_یداا‎'‎‎
so_SOSO