Sacuudi Carabiya Aya Isha Ku Haysa Soo Jeedinta Shiinaha Ee Dhisida Warshada Tamarta Nukliyeerka.

Riyadh ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso dalabka Shiinaha ee ku saabsan dhismaha warshad tamarta Nukliyeerka ah oo ku taal gudaha dalkaas, iyada oo doonaysa in ay ka beddesho ilaha tamarta ee saliidda. Niyad jabka ka dhashay shuruudaha adag ee Mareykanka ee taageerada hamiga Nukliyeerka ee Sacuudi Carabiya ayaa keentay tallaabadan, sida laga soo xigtayWall Street Journal.

China National Nuclear Corporation (CNNC) oo ah shirkad ay dowladdu leedahay ayaa soo bandhigtay qorshe lagu dhisayo xarun Nukliyeer ah oo u dhow xudduudda ay wadaagaan Qatar iyo Imaaraadka Carabta. Saraakiisha Sacuudiga, oo aan magacyadooda lagu sheegin warbixinta, ayaa rajeynaya in hindisaha Shiinaha uu ku qasbi karo maamulka Mareykanka, ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Joe Biden, inuu fududeeyo qaar ka mid ah shuruudaha adag ee uu ku caawinayo warshadaha Nukliyeerka ee Sacuudiga ee soo kobcaya.

Si ka duwan sida Mareykanka, Shiinaha lagama filayo inay soo rogaan shuruudaha adag, ee loogu talagalay ka hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka.
CNNC iyo wasaaradaha arrimaha dibadda ee Shiinaha iyo Sacuudiga labaduba kama aysan jawaabin codsiyo loo diray si ay wax uga sheegan arintan.

Sanadihii la soo dhaafay, Sacuudiga iyo Shiinaha ayaa sii xoojiyay xiriirkooda laba geesoodka ah, taasoo walaac ku abuurtay Washington. Waddamadan ayaa galay heshiisyo maalgashi oo muhiim ah, booqashadii madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ee Sucuudiga ayaa muujisay iskaashiga sii kordhaya, oo ay ku jirto qaybta tamarta.

Hamiga Shiinaha ee ah inuu ku balaadhiyo warshadihiisa tamarta Nukliyeerka adduunka oo dhan ayaa soo shaac baxay, isagoo xoogga saaraya hindisihiisa “Belt and Road”. Dariiqan ayaa dhaliyay doodo ku saabsan dhisida ilaa 30 reactors oo nukliyeer ah oo dibadda ah toban sano gudahood.

Iyada oo Sucuudi Carabiya ay hiigsanayso inay yarayso ku tiirsanaanta tamarta shidaalka laga dhaliyo, warshadda tamarta nukliyeerka ee gudaha laga soo saaray ayaa sahan lagu waday. Waqtigan xaadirka ah, qaranku wuxuu inta badan ka soo saaraa tamarta saliidda iyo ilaha gaaska dabiiciga ah.

so_SOSO