Singapore Oo Xidhay 10 Qof Oo Loo Haysto Lacago Sharci Daro Ah Oo Dhan 737$ Milyan

Maamulka Singapore ayaa gacanta ku dhigay toban qof waxayna qabteen hanti gaareysa ku dhawaad hal bilyan oo doolar Singapore ah ($737 milyan) kadib howlgal lagu bartilmaameedsaday koox looga shakisan yahay lacag sharci daro ah. Weerarradan la isku duba riday ee aya laga fuliyay guud ahaan magaalada, waxaana loola dan lahaa koox la rumeysan yahay inay ku lug lahaayeen lacago sharci daro ah ee laga soo qaatay falal dambiyeedyo abaabulan oo kala duwan, oo ay ku jiraan adeega been abuurka ah ee SCAM iyo khamaarka internetka.

Hantida lala wareegay waxaa ka mid ah 94 guri, 50 baabuur oo kuwa raaxada ah, lacag caddaan ah, boorsooyin heersare ah, dahabka, saacadaha, qalabka elegtarooniga ah, dhalooyinka khamriga, dukumeentiyada la xiriira hantida macmalka ah, iyo ururinta qurxinta ‘Bearbrick’. Shakhsiyaadka la xiray ayaa ka soo kala jeeda dalal kala duwan, oo ay ku jiraan Shiinaha, Turkiga, Cambodia, Qubrus iyo Vanuatu, da’dooduna u dhaxayso 31 ilaa 44 sano.

Waxaa fuliyay in ka badan 400 oo sarkaal, howlgallada ayaa ka dhacay xaafado aad u sarreeya, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday guryaha raaxada qaali ah iyo guryaha is-kaashatada. Iyadoo siddeed danbiile ay weli ka baxsanayaan, laba iyo toban kalena ayaa maamulka ka caawinaya baaritaanka socda.

Singapore, oo loo yaqaan xudunta dhaqaalaha caalamiga ah, waxay fulisaa sharciyo adag oo ka dhan ah lacagaha sharci darada ah, iyada oo laga yaabo inay ciqaabto ilaa 10 sano oo xarig ah kuwa lagu helo dambiga. Bangiga dhexe ee magaalada-gobolka ayaa la kaashanaya hay’adaha maaliyadda si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa lacagaha sharcdi darada ah.

David Chew, oo ah Agaasimaha Waaxda Arrimaha Ganacsiga, ayaa carrabka ku adkeeyay mowqifka adag ee Singapore ee ka dhanka ah qarinta fal-dambiyeedka ama si xun u isticmaalka xarumaheeda bangiyada. Hawlgalku wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay qaranka inay la dagaallamaan dhaqamada maaliyadeed ee sharci darrada ah iyo ilaalinta sumcaddeeda inay tahay xarun maaliyadeed oo sugan.

so_SOSO