U Gaar Ah Ragga: Ma Doonaysaa In Aad Guursatid, Iska Ilaali Noocan Ka Mid Ah Dumarka, Guul Kama Gaadhaysid Nolosha.

Marka uu Ninku isku diyaarinayo in uu mustaqbal samaysto oo uu raadiyo gabadh uu nolosha la wadaago waxa jira arimo badan oo ay tahay in uu qiimeeyo.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa Nooca dumarka ay tahay in aad ka fogaatid hadii aad doonaysid in aad guursatid.

1- Gabadha Xanaaqa Iyo Qaylada Badan

Haddii ay Gabadha aad jeceshahay ay aad u Xanaaq badan tahay ama u Qeylo badan tahay, had iyo jeerna aad u timaadid iyadoo Xanaaqsan ama Qelineysa, ka Fogoow Guurkeeda. Xataa haddii aad marar badan ku Guulaysatid in aad dejisid.

2- Gabadha Wax Walba Nafteeda La Jecel:-

Haddii aad rabto in aad ku noolaato Nolol Farxad leh, ka Fogoow Haweenayda Anaaniga ah ee wax walba Nafteeda la jecel. Wey adag tahay Qofka Ceynkan ah in Nolol Raaxo leh lala wadaago, waayo wax walba waxa uga Muhiimsan waxa ay Nafteedu Doonayso.

3-Gabadha Lacagta Aadka U Jecel

Gabadha Hantida iyo Dhaldhalaalka sida Xad-dhaafka ah u jecel ma noqon karto Xaas wanaagsan oo lagu Nasto. waayo Arrin kasta waxey ka eegtaa dhinaca Dhaqaalaha. Marka dhaqaalaha la waayo jacaylkeedana waa la weynaa Ogoow.

4- Gabadha Xafladaha Jecel

Gabadha had iyo jeer lagu soo Casuumo Xafladaha ee ka Qeybgasha Xaflad kasta Ogoow kuma Wanaagsana Xaasnimada. waayo waxey la qabsaneysaa Dabeecaddaas, waxaa dhaceyso haddii ay xitaa Caruur kuu dhasho, haddii aad Adiga maqan tahay iney Caruurtu Dayacdo oo ay Habeenkii ilmaha Guriga intey ku xirto, iyaduna ay Xafladda aado.

5- Gabadha Dadka Is -Tusta

Gabadha jecel in ay had iyo jeer Dareenka iyo Indhaha Dadka Nafteeda ku soo jeediso ma Wanaagsana Guurkeeda. Sababtoo ah waxey si joogto ah ugu Kici doontaa Ficilo aan caadi aheyn oo ay ku rabto in ay ku soo jeediso Indhaha Dadka si mar walba ay dadku iyada ay u Nasal haayaan.

6- Gabadha Xanta Badan

Gabadha Xanta badani ma noqoto Xaas Wanaagsan. Had iyo jeer waxey ku Mashquulsan tahay ama Xiiseysaa waxa ay dadka kale Qabanayaan iyo sida ay dadka kale u Nool yihiin si ay u hesho War ay Dadka kale la Wadaagto. Danaha dadka kale ayey jecleysataa in ay Farageliso iyadoo Danteediiba Dayacan. Mar walbana waxaa loo heystaa Hadal ay Dad ku soo Xamatay.

7- Gabadha Saluuga Badan

Haweenayd aad jeceshahay haddii ay Saluug badan tahay isla markaana aaney laheyn Kalsooni ay ugu Adkeysan karto Go’aan keliya Xaas Wanaagsan kuu noqon meyso. Haddii ay wax walba Labac Labac geliso oo ay Saluugsan tahay ha noqoto Shaqadeeda, ama Qoyskeeda, Ogoow Guurkaagana wey Saluugi doontaa, marka dambena Adiga Nafsad ahaantaada ayey ku Saluugi doontaa. Fadlan taasi iska ilaali.

8- Gabadha Aan Ixtiraamka Lahayn

Haddii Gabadha aad Danayneyso ku aragto Ixtiraam la’aan badan iyo Dadka oo ay ula Dhaqanto si Fool xun, Fadlan haku degdegin Guurkeeda. Waxaa laga yaabaa iney Maanta ku ixtiraameyso, laakiin Berito markaad Guursato Ixtiraam daradaas ay Dadka ku heyso ayaa Adigana kuu taalo, waayo waxani waa Dhaqan sida lagu Beddelana wey adag tahay. Ogoow Haweenayda dadka kale Qaddarisa ayuun baa adigana Hadhow ku Qaddarin doonta.

 

so_SOSO