U Gaar Ah Ragga: Ma Doonaysaa In Aad Guursatid, Sidee Ayaad Ilmahaaa Ugu Dooraysaa Hooyo Fiican.

Waxan kugu horeysiinaa laba xadiis uu rasuulkeena suuban (scw) uu yiri:-

1- aduunyadu waa raaxo gaaban, tan ugu fiicana waa xaas wanagsan.

2- Afarbaa hablaha loo guursadaa Maalkeeda, Quruxdeeda, Nasabkeeda iyo diinteeda balse dooro midda diinta leh.

Waxaa kugu filan haddii ad guur rabtid inad gabadha ku dooratid diinteeda iyo dabeecadeeda, wixii intaas an ahayn gabadhu leedahay waa dheeraadka ilaahay, ilaahayna dheeraadka waxa uu siiyaa qofkii uu doono.

Haddii ad doonaysid gabadh waxad raadisaa gabadh fiican oo cilmi leh oo taqaana xaqqa ay leedahay iyo midka lagu leeyahay, aaminsanna in ninkeedu yahay dharkeeda, ayaduna tahay dharkiisa, sidoo kalena bari karta carruurta salaadda, dhaqanka islaamka, tarbiyada fiican, xishoodka, akhlaaqda iyo nadaafadda.

Ninka ilaahay wuxuu ka dhigay masuul ah mas’uuliyadaasna waxaa ka mid ah inuu naftiisa udooro xaas wanaagsan, ilmihiisana udooro hooyo wanaagsan. Riix halkaan

Si ay kuugu sahlanaato taasi, fiiri calaamadahaan iskuna day inaadan jacayl abuurin calaamadahaan ka hor.

Astaamaha Gabadha Wanaagsan

Waxan hubaa marka ugu horeeysa ee aad cinwaankaan aragto inay maskaxdaadu kusoo dhici doonto sidee bey u egtahay gabadhu? Waxayse odayaasha soomaaliyeed dhihi jireen marka ay ka hadlayaan guurka: Ma quruxbaa mise waa qiimo?

Ma todoba beri mise todobaatan sano? Wxayna ka wadaan inay dadku iswediiyaan seetahay? Lama arag in lays weydiiyo wiilkaan hooyadii sidee tahay mooyee sidee u egtahay? Ado intaas maskaxda ku haayo eeg qodobadaan:-

1-Diin halahaato, hana ka muuqato dhaqankeeda diintu.

2-Halahaato dabeecad wanaagsan.

3-Xishood.

4-Lexjeclo ( dhaqan )

5-Nadaafad ( jirkeeda & gurigeeda ).

6-Waalidkeeda ha jeclaato.

7-Socodkeedu hayaraado ( waa gabadh aan wareg iyo maqnaan aqoon ).

8-Codkeedu ha gaabnaado.

9-Qanaceedu ha badnaado.

10-Ha shaqo badnaato.

11-Hifasho yaraan ( aan calaacalin markasta ).

12-Hamigeeda aakhiro habato.

13-Aamuskeedu habato.

14-Hataqaan howsha guriga iyo cunno karinta.

15-Hooyo fiican iyo Aabe fiican ha dhaleen.

so_SOSO