Wakhtiga Ay Itoobiya Aqoonsanayso Somaliland Oo La Ogaadya.

La Taliyaha Arimaha Amaanka ee Dawlada Federaalka Itoobiya ee Redwan Hussien ayaa shaaca ka qaaday wakhtiga ay Itoobiya aqoonsan doonto Jamhuuriyada Somaliland.

Waxa 4-tii maalin ugu dambaysay waxa la hadal hayay aqoonsiga Somaliland ka helayso Dawlada Federaalka Itoobiya.

1-dii bishii January 2024 ayay Somaliland iyo Itoobiya kala saxiixdeen heshiis is afgarad ah oo ay Itoobiya ku aqoonsan doonto Somaliland isla markaas Itoobiya heli doonto Bad.

Sidoo kale Redwan Hussien ayaa sheegay in ay Itoobiya aqoonsan doonto Somaliland marka ay saxiixaan heshiiska bada isla markaas ciidamadoodu dagaan xeebaha Somaliland.

Sidoo kale Redwan Hussien ayaa sheegay in ay Somaliland u sheegtay in ay ka kirayn doonto xeebta Lughaya.

so_SOSO